SO | EN

SO | EN

Dagaal mar kale dhex-maray militariga DF iyo daraawiishta KGS

|

Ceelbarde (Kaab TV) – Dagaal markale dhex maray ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dawaariishta Koonfur Galbeed ayaa galabta ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, kaas oo sababay khasaare badan.

Ciidmaada militeriga dowladda federaalka iyo kuwa daraawiishta K/Galbeed ayaa shalay ku dagaalamay magaalada Baraawe, xiisadda Baraawe oo weli taagan ayaa markii hore ka bilaabatay khilaaf askarta dhexdeeda ah, balse wuxuu dagaalkaasi isku bedelay mid qabiil ah.

Sidoo kale dagaalka maanta Ceelbarde ka dhacay ayaa ka bilowday laba askari oo ka kala tirsan Daraawiishta iyo Militeriga oo murmay, kadibna is dilay waxaana la dilay oo xabadda lagala hor maray askarigii militeriga ahaa.

“Magaalada waxaa ka jiray khilaaf salka ku hayey maamul loo soo magacaabay oo hadana toddoobaad gudihiis lagu bedelay, hadana xiisadda waxaa sii kiciyey dilka askariga,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xuseen.

Dilka askariga, kadib ciidanka militeriga ee degan Ceelbarde ayaa weeraray xerada ciidanka daraawiishta K/Galbeed, waxaana galabta maqribadii soo gaaray dagaal soo bilowday maanta duhurkii.

Xildhibaanka ka hadlay dagaalkaas ayaa dusha kasaaray madaxweyne Laftagareen inuu hurinaayo dagaalkaas, isagoo u xaglinaaya mid ka mid ah qabaa’ilka dega Ceelbarde, sida uu wareysigaan ku sheegay Xildhibaan Maxamed Xuseen oo baarlamaanka K/Galbeed ka tirsan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News