SO | EN

Dagaal Mise In Lala Hadlo Al-Shabaab? Maxaa Xal u ah Amniga Soomaaliya?

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Maalmo ka hor madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa dalka Norway ka sheegay in dowladdiisu ay dooneyso inay wada hadal la gasho kooxda Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo ka hadlay madasha Oslo Forum oo la qabtay 11-12 June 2024, ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay la hadlidda kooxda Al-Shabaab balse iyagu aysan diyaar ahayn.

“Marka qof ka hadlayo wada hadal, waxaad ka hadlaysaa hal dhinac kaliya ma aha ama hal jilaa ee wada hadalku wuxuu suurtogal yahay marka dhinacyada ay khuseyso ay diyaar u yihiin. Haddii hal qolo kaliya diyaar u tahay wada xaajoodka oo qolada kale aysan weli diyaar u ahayn markaa ma fududa wada xaajoodku. Markaas waa inaad dib u noqotaa oo aad ku soo qancisaa dhinaca kale,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii 2022 caalamka u sheegtay in dagaal ay ku jebineyso kooxda Al-Shabaab oo caalamka uga diiwaangashan koox argagixiso caalami ah. Dagaalka waxaa billaabay kooxaha Macawiisleyda qabaa’ilka gobolka Hiiraan oo ay markii danbe ku daydeen qabiilada kale.

Dhammaadkii 2023 waxay markale Dowladda Xasan Sheekh ku dhawaaqday inay rajo ka qabto in bartamaha sannadkan 2024 dalka laga sifeyn doono kooxda Al-Shabaab.

Dowladda ayaa ku celcelisay inay dagaal kaliya uga guuleysan doonto kooxda Al-Shabaab.

Dhawaaqa hadda kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid gabi ahaanba meesha ka saaray wixii ay dowladdu aaminsaneyn ee ahaa in lala dagaallamo Al-Shabaab.

Sabtidii 8da June ayay Shabaabku weerar ku qaadeen xarumaha ciidamada ee deegaanka Ceeldheer, ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Weerarkaasi waxay Shabaabku ku geysteen khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo qalab ay qaateen iyo qaar ay gubeen inkastoo dhanka dowladdu sheegtay inay ka dishay Shabaabka 47, halka Shabaab ay sheegteen inay 59 askari ka dileen dowladda.

SAWIR: Muuqaal ay Shabaab faafiyeen oo muujinaya dagaalyahanno tababar qaadanaya.
SAWIR: Muuqaal ay Shabaab faafiyeen oo muujinaya dagaalyahanno tababar qaadanaya.

Dhanka kale, xilliga uu Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqayo inuu doonayo inuu wada hadal la galayo kooxda argagixisada ayaa waxaa afhayeen u hadlay Al-Shabaab uu shaaciyay inay rajeynayaan inay dowlad Islaami ah ka yagleelaan gudaha Soomaaliya ka dib marka ay baxaan ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika ka jooga gudaha Soomaaliya.

Iyadoo la filayo in dhammaadka sannadkan ay dalka ka baxaan guud ahaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa soo badashada weerarada Al-Shabaab ee ay dhul badan dib ugu qabsadeen iyo hadalka Xasan Sheekh ee ah inuu rabo inuu wada hadal la galo Al-Shabaab ayaa muujinaya walaac laga qabo sida ay noqon karto xaaladda Soomaaliya dhammaadka 2024.

Walaaca ayaa waxaa sii kordhiyay ka dib markii Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ay toddobaadkan shaacisay in Shabaabka ay dib ula wareegeen dhammaan deegaanadii horey ay uga qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa qabiillada.

Sidoo kale, saraakiil sirdoonka Mareykanka ayaa iyaguna toddobaadyo ka hor u sheegay CNN in Al-Shabaab ay hadda billaabeen wada hadal ay la galeen kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay Iiraan taageerto si ay hub iyo agab kale uga helaan kooxdaasi.

Dad badan oo falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in mar hore ay dowladda Soomaaliya lumisay fursad ay dib u heshiisiin ku wajihi kartay xaaladda dalka, iyo in ay ahayd in ciidamada dalka la dhiso halkii hub laga siin lahaa maleeshiyo beeleedyo iyaga is wada heysta.

Waxay kaloo dad badan aaminsan yihiin in xaaladda dalka ay uga sii dartay khilaafaadka siyaasadeed ee ragaadiyay Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada kasoo sababtiisu ugu weyn ay tahay bedelidda dastuurka oo uu ku kacay madaxweyne Xasan Sheekh.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News