SO | EN

SO | EN

Dagaal qaraar oo markale kadhacay caasimada dalka Liibiya ee Tripoli

|

TRIPOLI (KAAB) – Qaar kamid ah kooxaha hubeysan ayaa ku dagaalamay caasimada dalka Liibiya kuwaas oo ku dagaalamay magaalad Tripoli iyagoo sabab unoqday in dad shacab ah ey ku go’doomaan guryohooda taasoo kor uqaaday cabsida laga qabo in ey sii socdaan rabshadaha kajira dalka Liibiya.

Sidoo kale, qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay ayaanan wali cadeyn balse qaar kamid ah saraakiisha waaxda caafimaadka in ey meydadka saddex qof kasoo saareen degmooyinka Furnaj, Ain Zara iyo Tarik Shok.

Dhanka kale, Wasaaradda caafimaadka ayaa ka codsatay muwaadiniinta in ey dhiig kudeeqaan si loo caawiyo dhaawacyada  Usama Cali, oo ah afhayeenka gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa sheegay in 19 qofood ey kudhaawacmeen guryohooda laga soo daabulay goobta ey dhibaatadu ka dhacday.

Sidoo kale, dadka deegaanka iyo Warbaahinta ayaa warinaya in dagaalka uu shalay bilowday uuna ka dhacay meelo kala duwan.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee dalka Liibiya ayaa kubaaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, dhanka kale iska horimaadkan dhexmaray guutooyinka  444-ta iyo ciidamada gaarka ah oo labaduba taageero u muujinaayay dowladda kumeel gaarka ah ayaa bur-buriyay deganaashiyo kajirtay caasimada Tripoli.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News