Aadan Yabaa(KAAB TV) – Dagaal u dhaxeeya ciidanka deegaanka iyo AS oo ka dhacay gobolka shabeelaha dhexe Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeya ciidanka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda iyo AS oo ka dhacay deegaanka Hararta ee gobolka Shabeellaha Dhexe
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidanka deegaanka ay weerar ku qaadeen deegaanka Harar oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, waxana Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegaya in 10 xubnood oo ka tirsan AS la dilay.
Sidoo kale, Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in ay qabsadeen 10 qori.
Maalmihii la soo dhaafay ciidanka dowladda ayaa dhaqdhaaqyo ka waday deegaannada gobolkada Shabeellada Dhexe gaar ahaan kuwa hoos yimaada magaalada Aadan Yabaal oo ay ku sugan yihiin AS.