GEDO (KAAB TV) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo aroornimadii hore ee saakay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Birta Dheer oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Weerarka ayaa yimid kadib markii ciidanka xoogga dalka ay heleen xog ku saabsan in maleeshiyaadka Al-shabaab ay isku aruursanayeen deegaanka Birta Dheer iyo agagaarkiisa.
Weerarka ayaa lasoo wariyay inuu geystay khasaare kala duwan oo kala gaaray labada dhinac, hayeshee ma jirto war rasmi ah oo xaqiijinaya inta uu dhan yahay khasaaraha dhabta ah ee dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Birta Dheer.

