Gaarisa (KAAB) – Dagaal geystay khasaaro kala duwan oo duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ku dhexmaray Ciidamo katirsan kuwa Kenya iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar qarax ku billaawday oo jidgal ahaa ay ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya, xilli ay marayeen inta u dhaxeysa degaannada Calin Jugur & Weel-Mareer ee Magalada Gaarisa.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka wallow aan si faah faahsan loo helin tirade dadka ku waxyeeloobay, hayeeshee gobjoogayaal ayaa sheegay inay maqlayeen dagaalka ka hor jugta qarax lala beegsaday Kolonyada Ciidamada Kenya.
Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalka ka dhacay duleedka Magaalada Gaarisa ayaa War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegteen inay dagaalkaas kubilowday qaraxa ku gubeen Gaari Cabdi Bille ah iyo Booyad ay wateen Ciidamada Kenya, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee weerarada ay Al-Shabaab ka fulinayaan Gobolka Waqooyi Bari ayaa waxa ay dib u dhigtay dowladda Kenya oo qorsheyneysay inay dib u furto xadka ay la wadaagto Soomaaliya.
Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka geysanayaan degaannada katirsan Gobolka Waqooyi Bari, taas oo keentay in Ciidamada Kenya ay kordhiyaan howlgallada ay fuliyaan.