Mandheera (KAAB TV) -Shan ka mid ah shaqaalaha dhagaxa qoda ayaa dhintay laba kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen baabuur ay wateen shaqaalaha oo marayay waqooyi bari Kenya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay booliiska Kenya.
Ku dhawaad 10 nin oo hubeysan oo ka tirsan kooxda Al shabaab, ayaa lagu soo warramayaa in abaaro 6:00 subaxnimo ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaari Mini Bus ah oo ay saarnaayeen shaqaale, meel u dhow tuulada Bor Abor ee gobolka Mandheera, waxayna ku amreen in ay gaariga ka soo degaan.
Sida lagu sheegay warbixinta booliska, dableyda ayaa shaqaalaha ka codsaday inay ku wareejiyaan telefoonadooda iyo kaararka aqoonsiga, Kadib waxaa la toogtay iyagoo dhulka jiifa.
Warku waxa uu intaa ku daray in Raadka Maleeshiyadaasi ay muujinayso inay u soo baxsadeen dhanka Xuduudka Soomaaliya.
Warbixintu waxa ay sheegtay in 13 qof oo kale ay u carareen duurka oo markii dambe la soo badbaadiyay, afhayeenka Booliska Kenya oo warbaahinta ay isku dayeen in dhacdadaan wax laga weydiiyo ayaa ka gaabsaday.