BAYDHABO (Kaab TV) – Ka dib dagaal labo maalmood ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka u ah maamulka Koonfur Galbeed, waxaa shalay soo dhamaaday dagaalka ka dib markii ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ay magaalada ka saareen kooxo maleeshiyaad ah oo taabacsan siyaasiyiin deegaanka kasoo jeeda.
Dagaalka ayaa qarxay maalinkii Arbacada ka dib markii koox maleeshiyo ah oo uu watay sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Niishow oo horey uga tirsanaa ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, xiriirna la leh Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ay weerareen ciidan ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugnaa goob la doonaayay in laga fuliyo dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha qeybna ka ah mashruuc dhisme uu maalgalinaayo Bangiga Adduunka.
Dhulka dhismaha loo rabay waxaa sheeganaya ganacsade hubka sharci darrada ka ganacsada oo lagu magacaabo Macalin Cabdow, hase yeeshee waxaa durba qarxay dagaalka.
Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal dagaalka ayaa maalinka koowaad socday labada gelin.
“Ciidamada waxay la dagaallameen kooxo burcad ah oo dadka dhac u geysanayaay,” ayuu yiri Wasiirka oo maalinkii koowaad hadal soo saaray.
Hase yeeshee suxufiyiinta ku sugan magaalada, wuxuu dagaalku xoogeystay maalinkii labaad ee Khamiista ka dib markii ay ku soo biireen maleeshiyaad daacad u ah Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Xuseen (oo ku magac dheer Xasan Eelaay).
Galabnimadii Khamiista ayay ciidanka Koonfur Galbeed ku guuleysteen inay magaalada ka saaraan maleeshiyaadka, iyadoo ugu yaraan 5 meyd ah lagu arkay guri ay ku jireen maleeshiyaadka oo uu leeyahay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dowladda Federaalka oo ku yaalla bartamaha Baydhabo.
KHASAARAHA
Inta la og yahay 15 ruux ayaa ku naf waayay dagaalka oo ay ku jiraan dhinacyada dagaalamay iyo dadka shacabka ah.
Maamulka degmada Baydhabo iyo mas;uuliyiin booqday labada isbitaal ee magaalada ee kala ah isbitaalka guud ee Baay iyo isbitaalka Heegan, waxaa jira illaa 10 dhaawacyo dad shacab ah oo ay carruur ku jiraan, kuwaas oo rasaasta ay haleeshay.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Cabduqaadir, oo shalay gelinkii dambe la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in amniga magaalada uu gacantooda ku soo laabtay, kooxihii la dagaalamayna ay magaalada ka saareen.
“Horey ayaan ugu sheegnay, waana u dignay dadkaas oo ay ku jiraan nin wasiir ka ah Dowladda Federaalka in waxa ay ka shaqeynaayaan aysan ahayn wax ay kursi siyaasadeed ku heli karaan,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Madoobe oo lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa dagaalka Baydhabo.
Hase ahaatee Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Eelaay oo hadal kooban soo saaray ayaa ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed inuu weerar ku soo qaaday gurigiisa ku yaalla Baydhabo.
Sidoo kale waxaa dagaalka ka hadlay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan Muqdisho, balse ku kala aragti duwan dagaalka.

