Dagaalka Baydhabo: Ugu yaraan 6 ayaa dhimatay ka dib markii ciidanka Laftagareen ay qabsadeen bartamaha Baydhabo

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Ciidanka taabacsan Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Koonfur Galbeed ayaa saaka oo Sabti ah gudaha u galay magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dib dagaal saaka waaberigii ay ku soo qaadeen gudaha magaalada.

illaa hadda inta la xaqiijiyay, lix ka mid ah dhinacyada dagaallamay ayaa ku dhintay dagaalka, waxaana jira tiro dhaawacyo ah.

Taliyaha Booliska Gobolka Baay, Sidiiq Doodishe ayaa warbaahinta u sheegay in saaka waaberigii ay magaalada soo weerareen ciidanka Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo ku sugnaa duleedka magaalada.

“Hadda xaaladda way deggan tahay, waxa kaliya ee dhacay waa in meydadka ay waddooyinka yaallaan oo qaab aan u qaadno aan garan la’ nahay,” ayuu yiri Doodishe.

“Waxay rabeen inay magaalada soo galan, oo qalalaase ka abuuraan, laakiin ciidanka Koonfur Galbeed ayaa ka hortagay,” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, afhayeenka maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi oo taabacsan Laftagareen ayaa sheegay in ciidankooda ay fuliyeen hawlgal ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo.

Dad ku sugan Baydhabo ayaa KAAB TV u sheegay in ciidanka taabacsan Laftagareen oo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed ay magaalada kasoo galeen dhowr jiho saaka waaberigii, ka dibna dagaal culus ee ka dhex qarxay bartamaha magaalada.

Ciidanka taabacsan maamulkii hore Cabdicasiis Laftagareen.
Ciidanka taabacsan maamulkii hore Cabdicasiis Laftagareen.

Waxaa sidoo kale jiray maleeshiyaad ku sugnaa gudaha magaalada oo iyaguna ku biiray dagaalka, sida ay dadka deegaanka u sheegeen Kaab TV.

Rasaas culus iyo hubka tiknikada saaran ayay dhinacyada isu adeegsadeen, waxaana abaare barqadii ay ciidamada Laftagareen qabsadeen isgoyska Afar Irdoodka oo ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo, kaas oo muhiim u ah isu socodka magaalada dhexdeeda, ka hor intii aysan dib uga guran.

Suxufiyiinta ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay amniga madaxtooyada magaalada Baydhabo, iyo garoonka diyaaradaha, iyadoo dadka rayidka ahna ay ku jireen guryahooda intii uu dagaalka socday.

Xiisadda ayaa weli kacsan, inkastoo ay rasaasta joogsatay hadda. Waxaana jira cabsi laga qabo in dhinacyada markale ay isku soo rogaal celiyaan.

Maamlmihii la soo dhaafay waxay dhinacyada is weydaarsanayeen hanjabaado kulul, waxaana maamulkii hore ee taabacsan Laftagareen ay sheegeen inay diidan yihiin doorasho la sheegay in Dowladda Federaalka ee Muqdisho soo abaabushay oo laga fulinaayo Baydhabo.

Maamulka Laftagareen ayaa si xoog ah looga saaray magaalada Baydhabo bishii March ee sannadkaan, markaasoo ciidan xoogan oo ka socda Dowladda Federaalka, ayna wehlinayaan maleeshiyo beeleedyoo – oo taageero ka heley Turkida – ay xoog ku qabsadeen magaalada. Maamulka Laftagareen ayaa u baxsaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Bishaan horraanteedii ayaa dagaal ay soo qaadeen ciidanka Laftagareen ayaa lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidanka taabacsan Dowladda Federaalka ee ku sugan Baydhabo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News