MUQDISHO (Kaab TV) – Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland oo ka socda Beledxaawo ayaa galay maalinkii lixaad, iyadoo khasaaraha dhimasha uu sii kordhay.
Inta la og yahay 20 ruux ayaa ku dhintay dagaalka shalay, kaasoo labada dhinac ay isu adeegsadeen hubka culus.
Dadka dhintay 12 ka mid ah waa dhinacyada dagaallamaya, halka siddeed ruux ay yihiin shacabka ku go’doonsan magaalada.
Ciidamada Jubaland oo iyaga heysta magaalada ayaa isku dayaya inay dhinaca ka soo horjeeda ee ciidamada dowladda federaalka ka saaraan xerada loo yaqaano Xero UK, halkaas oo ay gabbaad ka dhiganayeen ciidamada federaalka ee Muqdisho laga keenay.
Shalay waxay Dowladda Federaalka daabushay ciidan dheeraad ah oo ay geysay Beledxaawo, kaas oo sida la sheegayo lagu geeyay diyaarado ka baxay Muqdisho.
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada ka barakacay boqollaal qoys oo ka cararaya colaaddan sii socota ee ka taagan degmada Beledxaawo oo ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.
Badi dadka ayaa u qaxay dhanka degmada Mandheera ee Kenya, halka dadka qaar ay u qexeen dhanka magaalooyinka Itoobiya ee soohdinta soo xiga.
Dagaalka shalay ayaa ahaa mid xooggan sida ay Kaab TV u sheegeen qaar ka mid ah saxafiyiinta iyo dad tiro yar oo magaalada weli ku harsan.
Dhinacyada dagaalamaya ayaa adeegsaday hubka culus kaas oo sababay in goobo caafimaad iyo guryo shacabka leeyihiin ay madaafiicda ku dhacaan.
Dhanka kale hawlwadeenada caafimaad ayaa sheegay in tiro dadka rayidka ay ku dhaawacmeen dagaalka, iyadoo maantana uu sii socdo dagaalka kaasoo sababaya in dad kale ay waxyeelo soo gaarto.

