Muqdisho (Kaab TV) -Wadanka Jabuuti ayaa waxaa saameyn ku yeeshay qulqulka dadka uu saameynta dagaalada ka qarxay dalka Suudaan dadkan oo u badan reer Galbeed garoonka caalamiga ah ee Jabuuti.
Garoonka diyaaradaha ee Djibouti waxaa si joogto ah maalmahaan u fariisanaya oo soo caga dhiganaya diyaarado badan oo howlgallo daad-gureyn ah ka wada Suudaan.
Dadka gaaraya Jabuuti waxaa laga soo daadgureynayaa caasimadda Sudan ee Khartoum, si loogu gudbiyo dalalkooda.
Si wanaagsan oo aad aan u jecleystay ayaa la iigu soo dhaweeyey Jabuuti, waxaana jeclahay inaan dib ugu soo laabto dalkaan, markii laga baxo xaaladaan daad-gureynta ah,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii maanta laga dhoofiyey garoonka magaalada Jabuuti oo dib ugu laabtay wadankiisii.
Dadkaan ayaa hadda bilaabay inay u sii amba-baxaan dalalka Midowga Yurub oo intooda badan ay ka soo jeedaan, waxaana laga dhoofinayaa Jabuuti, iyadoo koox walba dalka ay u dhasheen dib loogu celinayo.
Dhawaaqa duqeymaha cirka, hubka diyaaradaha iyo madaafiicda ayaa Sabtida maanta ah laga maqlayay gudaha Khartoum, iyadoo qaac madow uu ka kacay qeybo ka mid ah caasimadda Suudaan xilli uu dagaalka dalkaasi ka qarxay galay toddobaadkii saddexaad.
Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka iyadoo tobonnaan kun oo kalena ay naftooda kala baxsadeen colaadda u dhexeysa ciidamada dalkaasi iyo xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee RSF kaasi oo soo bilowday 15-kii bishan April, kaasi oo quus geliyey qorshe ay beesha caalamku taageersaneyd oo dalkaasi uu ugu guurayay hannaan dimuqraadi ah.
Ugu yaraan 512 qof ayaa ku dhintay, iyadoo ku dhawaad 4,200 oo qofna ay ku dhaawacmeen dagaalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, oo aaminsan khasaaraha dhabta ah uu intaasi aad uga badan yahay.