Addis Ababa (KAAB TV) – Dagaallo ayaa dib uga qarxay dhulka ay ku muran san yihiin maamullada gobollada Amxaaradda iyo Tigreega ee dalka Itoobiya aagagga ay dagaalladu dib uga qarxeen ayaa xasiloonaa tan iyo markii la saxiixay heshiiskii nabadda ee dhammaadkii 2022, kaas oo soo gabagabeeyay mid kamid ah isku hor’imaadyadii ugu qaraaraa Afrika.
Sidoo kale, degmada Raya alamata, oo labada dhinacba ay sheegtaan- ayaa kahor dagaalka waxa ay hoos tagi jirtay koonfurta gobolka Tigray, laakiin waqtigaa wixii ka dambeeyay waxa qabsaday xoogagga Amxaarada.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkii bilowday dhammaadka todobaad kii hore uu weli soconayo.
Saraakiisha Amxaarada ayaa ku eedeeyay miliishiyo isbahaysi la ah maamulka Tikreega ee TPLF in ay soo qaadeen weerar ballaaran, hase yeeshee madaxa gobolka Koonfurta Tigray ayaa ku eedeeyay miliishiyo Amxaaro ah in ay xabadda bilaabeen.
Dhanka kale, madaxa ismaamulka KMG ah ee Tigray Getachew Reda ayaa ku eedeeyay cadow uusan magac dhabin oo diidan heshiiska nabadda, in ay weerar soo qaadeen. Waxa uu sheegay rabshaddaha la soo weriyay in aanay u dhaxeyn ciidanka ismaamulka Tigreega iyo ciidamada dawladda, ama kuwa gobollada dariska ah.
Ma cadda haddii khasaare jiro, laakiin warbaahinta taageerta Amxaaradda ayaa sheegtay in kooxaha Tigreega ay ku soo siqeen qaybo kamid ah degmada.
Dhowaan dawladda Federaalka ee Itoobiya ayaa sheegtay in dhulka lagu muran san yahay ay gacanta ku hayn doonaan ciidanka federaalka, illaa xal looga helayo muranka.