MUQDISHO (KAAB TV) -Dalalka ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ayaa codsaday in la bixiyo $93.8 milyan oo ah mushaarka iyo kharashaadka la xiriira ciidamadaasi, iyagoo muujiyay niyad jab xooggan oo ay ka qabaan maalgelin la’aanta howlgalka xasillinta Soomaaliya.
Dalalkan, oo ah kuwa loo yaqaan TCCs (Troop Contributing Countries), ayaa ka digay in deymaha is biirsaday ay khatar gelinayaan kalsoonida iyo joogitaanka ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya, xilli aan weli si buuxda loogu wareejin masuuliyadaha howlgalka cusub ee AUSSOM.
Sida ay warbixinaha muujinayaan, deymaha la xiriira mushaaraadka iyo kharashaadka ciidamada ee laga leeyahay howlgalka hore ee ATMIS ayaa gaaraya $93.9 milyan. Lacagahan ayaa lagu leeyahay muddada u dhaxaysa 2022 ilaa 2024, waxaana ay u kala baxayaan sidan:
Uganda: $34.5 milyan
Kenya: $15.7 milyan
Ethiopia: $17.2 milyan
Burundi: $18.1 milyan
Jabuuti: $8.3 milyan
Quburo dhanka amniga ah ayaa sheegay in deymahan ay saameyn weyn ku yeesheen howlgalka, iyadoo la filayo in arrintan si qoto dheer looga doodo shir dhowaan ka dhici doona magaalada Doha ee dalka Qatar. Shirkaas waxaa isugu imaanaya Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.
Ujeeddada shirka ayaa ah in laga gaaro xal ku saabsan maalgelinta howlgalka AUSSOM, gaar ahaan kaddib markii Dowladda Mareykanka ay diidday inay maalgeliso, iyadoo kasoo horjeesatay qaraar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyay, kaasi oo qeexayay habka maalgelinta cusub ee howlgalka xasillinta Soomaaliya.