London (KAAB TV) – Wadamada reer Yurub ayaa maanta yeelanaya Shirweyne oo ay uga hadlayaan xasaradaha ka taagan Ukraine iyo xal u helidda dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine, shirkan ayaana lafilayaa in maanta oo Axad ah uu ka furmo magaalada London.
Sidoo kale, Shirweynahan ayaa waxaa kasoo qeygalaya madaxda dalalka Faransiiska, Jarmalka, Denmark, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Poland, Spain, Turkey, Finland, Sweden, Jeekiya iyo Romania, iyo sidoo kale xoghayaha guud ee Gaashaanbuurta NATO iyo madaxda Guddiga iyo Golaha Yurub.
Dhanka kale, madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskyy ayaa shalay oo Sabti aheyd gaaray magaalada London, kaddib maalin adag oo uu ku soo qaatay Washington Jimcihii, halkaas oo uu kula soo kulmay madaxweyne Trump.
Zelenskyy iyo Trump ayaa ka soo hormuuqday shaashadaha caalamka iyaga oo is weydaarsanaya hadallo adag oo ku tacalluqay soo afjaridda dagaalka Ukraine iyo qaabka loo mari karo heshiis xabbad joojin ah, iyo waliba saxiixa heshiis dhanka macdanta ah oo la rabay in Mareykanka iyo Ukraine kala saxiixdaan.
Shir weynahan oo uu soo qaban qaabiyay ra’iisulwasaaraha Britain Keir Starmer, ayay Yurub xoogga ku saari doontaa qaabka ugu wanaagsan ee loo soo afjari karo dagaalka Ukrain iyo sida ay isu difaaci karto Yurub, iyadoo aanan kaalmo weydiisan Mareykanka.
Turkiga ayaa la filayaa in uu soo bandhigo qorshe uu ku heshiisiinayo Ukraine iyo Ruushka. Horay ayay Ankara ugu yaboohday fidinta gogol nabadeed oo ay ku heshiisiineyso dalalkaasi deriska ah.