London (KAAB TV) – Kaddib shir deg deg ahaa oo ay Axaddii shalay isugu yimaadeen dalalka reer Yurub kaas oo ka qabsoomay magaalada London, ayaa Ra’isul Wasaaraha Britain iyo 18 hoggaamiye oo reer Yurub ah kasoo saareen qodobbo rajo galinaya difaaca iyo amniga dalka Ukraine.
Sidoo kale, Keir Starmer ayaa shirka kaga dhawaaqay, qorshe ka kooban afar qodob oo lagu rabo in lagu soo gaba gabeeyo dagaalka Ukraine laguna taageerayo qarannimada Ukraine.
Ra’isul Wasaare Keir Starmer wuxuu sheegay in qorshahaasi oo ay iskala shaqeeyeen Faransiiska iyo Ukraine, ay qodobbadiisuna yihiin.
In lasii joogteeyo gargaarka la siiyo Kyiv, iyo in Ruushka lagu sii haayo cadaadiska dhaqaale si taasi ay gacan u siiso Ukraine, in la xaqiijiyo in Dowladda Ukraine ay goob joog ka ahaato miis walba oo looga gorgortamayo aayaheeda, in heshiis walba oo nabadeed uu dammaanad qaado midnimada iyo amniga Ukraine iyo in la sii wado kaalmooyinka hubka ee Ukraine si ay isaga difaacdo duullaan kale mustaqbalka.
Dhanka kale, Keir Starmer wuxuu sheegay in Yurub ay hadda taagantahay isgoys taariikhi ah, isla markaana aanan la joogin waqtigi hadalka, balse ay tahay xilligii wax qabadka iyo midnimada.
Shir madaxeedki shalay ayaa soo gabagabeyay toddobaad diblumaasiyadeed oo xamaasad leh, kaasoo ay ku jireen booqashooyin ay Washington ku yimaadeen Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer iyo madaxweynaha Ukraine Zelensky.
Kulanki Zelensky uu la yeeshay madaxweyne Donald Trump iyo ku xigeenkiisa JD Vance, ayaa ku soo dhamaaday hadallo kulul oo ay dhinacyada is dhaafsadeen, kaas oo si toos ah looga daawanayay shaashadaha caalamka, Trump ayaa ku eedeeyay hoggaamiyaha Ukraine inuu ku khamaarayo dagaal saddexaad oo dunida ka dhaco.