SO | EN

SO | EN

Dalka Eswatini 🇸🇿 oo ah dalka ugu Aids-ka badan caalamka oo ciidamo boolis ah usoo dirtay Somaaliya

|

MOGADISHU (KAAB TV) –Dawladda Eswatini ayaa shaaca ka qaaday in la soo sagootiyey 32 ka tirsan ciidanka Booliska ee dalkaas kuwaas oo nabad ilaalin loogu diray Soomaaliya.

Askartan oo ku biiraysa ciiddamada nabad ilaalinta ee Afrika ka socda ayaa loogu tala galay in ay ilaaliyaan amniga Soomaaliya gaar ahaanna goobaha muhiimka ahaa.

Taliyaha guud ee ciidanka Boqortooyada Eswatini Manoma Vusie oo la dar daarmay ciidankan loo soo diray Soomaaliya ayaa ku booriyey in ay u naxariistaan dadka ay nabad ilaalinta ugu tegayaan ee Soomaaliyeed iyo weliba in ay ilaaliyaan anshaxa ciidannimo si waafqsan xeerarka Booliska Caalamka iyo kuwa qaaradda Afrika.

Dalkan ciidanka Booliska u soo diray Soomaaliya ee Eswatini waxa uu ku yaalla Koonfurta Qaaradda Afrika, waana dal dhexda ugu jira oo ay ku hareeraysan yihiin waddamada Koonfur Afrika iyo Mozambique, waana dal aan gebi ahaanba aan wax bad ah lahayn.

Dalkan oo dadka ku nooli ay yihiin 1 Million oo keli ah waxa loo aqoonsan yahay in uu yahay dalka ugu AIDS-ka badan dhammaanba waddamada Caalamka iyada oo cudurkaasi uu kummaanan qof ku dilay dalkaas. 27% bulshada ku dhaqan Eswatini waxa ay qabaan Cudurka dilaaga ah ee HIV\AIDS taas oo ka dhigtay dalka ugu badan ee ay dadkiisu qabaan cudurkan dilaaga ah.

Sidoo kale waxa dalkan xukuma Boqorka caanka ah ee King Mswati III kaas oo la caleemo saaray sannadkii 1986-kii xilligaas oo da’diisu ahayd 18 jir. Boqorkan ayaa qaba in ka badan 11 xaas waxa sannad walba uu guursadaa gabadh cusub, waana boqor ka mid ah shanta Boqor ee ugu lacagta badan Adduunka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News