KISMAAYO (KAAB TV) – Ciidamo isugu jiray Kumaandooska DANAB & Kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa duleedka Magaalada Kismaayo ka sameeyay howlgallo miina-baaris ah, ciidankaan ayaa si gaar ah u baaray waddooyinka muhiimka u ah isu socodka Jubada Hoose.
Saraakiisha ciidanka howlgalkaan sameeyay ayaa sheegay in u jeedkoodu ahaa sidii looga hortagi lahaa khatarta ka dhallan karta miinooyinka oo dhowr jeer ku qaraxday Gaadiid ay la socdeen dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray.
DANAB iyo Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo si wadajir ah iyo kuwo kale oo si gaar gaar ah u samaynayeen waxa ay muddooyinkii dambe ka fuliyeen deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.

