GAROWE (Kaab TV) – Safiirka Dowladda Boqortooyada Midowday ee UK u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa booqasho ku yimid magaalada Garowe, caasimadda Dowladda Puntland, Khamiistii, iyada oo qayb ka ah dadaallada socda ee lagu taageerayo wadahadalka siyaasadeed iyo xasilloonida wadajirka ah ee Soomaaliya.
Boqortooyada Midowday ayaa muddo dheer door muhiim ah ka ciyaartay nabad-dhisidda iyo amniga Soomaaliya.
Danjire King, oo xilka la wareegay bishii May ee sanadkan, ayaa kulammo heer sare ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, waxaana kulanka lagu qabtay qasriga madaxtooyada Puntland.
War kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka, oo ay sidoo kale ka qeybgaleen xubno ka tirsan golaha wasiirada, uu diiradda saaray xaaladda guud ee siyaasadda iyo amniga Soomaaliya, arrimaha gudaha Puntland oo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, dhameystirka geeddi-socodka dimuqraadiyadda Puntland, iyo mashaariicda horumarineed ee UK ka taageerto gobolka.
Boqortooyada Midowday ayaa qayb ka ah taageeradeedda sii socota ku wareejisay Puntland deeq dawooyin iyo agab caafimaad oo loogu talagalay in lagu xoojiyo hawlgalka lagula dagaallamayo argagixisada ee ka socda buuraleyda Calmiskad.
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in Safiirka UK uu bogaadiyey go’aanka adag ee Puntland uga go’an yahay ciribtirka kooxaha argagixisada ah.
Safiir Charles King, oo fariin kusoo qoray barta X (Twitter), ayaa muujiyey mahadnaq uu u jeediyey sida diirran ee loogu soo dhaweeyey booqashadiisii ugu horreysay ee Garowe. “Waxaan aad ugu faraxsanahay booqashadii iigu horreysay ee Garowe si aan ula kulmo Madaxweyne @HESaidADeni oo aan u arko magaalada firfircoon ee Garowe,” ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in wadahadalladu ay xooga saareen wadaxaajoodka siyaasadeed ee Soomaaliya, dadaallada wadajirka ah ee xasilloonida, iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka ah sida Daacish iyo Al-Shabaab, isaga oo xusay in horumarka laga gaaro qodobbadan uu muhiim u yahay mustaqbalka xasilloon ee Soomaaliya.

