Muqdisho (KAAB TV) -Danjire El Hadji Ibrahima Diene “Boly” ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC) iyo Madaxa AUSSOM.
Maanta oo Isniin ah ayuu soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada AUSSOM iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Isxaaq Maxamuud Mursal; Danjire ku xigeenka SRCC Mouktar Osman Karie; Taliyaha ciidamada AUSSOM, Lt. Gen. Sam Kavuma; Ku simaha Taliyaha Booliska, ACP Samuel Osiedu Okanta; iyo Madaxa Ilaalinta, Xuquuqda Aadanaha iyo Qaybta Jinsiga, Dr. Cumar Cabdulle Calasow.
Danjire Diene waxa uu doorkan u keenaya khibrad badan, isaga oo soo qabtay jagooyin farsamo, hawleed, iyo istaraatiijiyadeed oo kala duwan gudaha iyo dibadda Senegal.
Waayo-aragnimadiisa ballaadhan waxa ay dabooshaa colaadaha iyo goobaha qalalaasaha ee Galbeedka, Bartamaha iyo Bariga Afrika, oo ay ku jiraan ka qaybgalka firfircoon ee hawlgallada nabad ilaalinta ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), Suuriya iyo Mali laakiin sidoo kale hawlgallada siyaasadeed ee gaarka ah sida UNOCA.
Waxa uu haystaa dhowr shahaado masters iyo diblooma ah oo ku saabsan daraasaadka milatariga, cilmiga siyaasada, aeronautics, iyo maamulka barnaamijka.

