SO | EN

Danjirihii Soomaaliya ee Sacuudiga oo iscasilay sabab la xiriirta xafiiska Xasan Sheekh

|

Muqdisho (KAAB TV) – Danjiraha Soomaaliya u jooga Boqortooyada Sacuudiga ayaa iska casilay xilkaasi ka dib markii sida uu sheegay lagula kacay fal akhlaaq xumo iyo aflagaado ah oo ay u geysatay Hinda Culusow oo ah madaxa barotokoolka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warqad uu qoray Danjire Saalim Macow Xaaji loona diiray madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayuu ku sheegay in laga hor istaagay inuu ka qeybgalo shirkii madaxda wadamada Jaamacadda Carabta ee ka dhacay magaalada Jidda ee Sacuudiga 19kii May 2023, taasoo ka baxsan nidaamka diblomaasiyadda.

Danjire Saalim ayaa sheegay in xitaa laga hor istaagay inuu arko madaxweynaha.

Wuxuu sheegay in isagoo ilaalinaya sharaftiisa iyo karaamadiisa iyo dowladnimada Soomaaliya uu goostay inuu iska casilo xilka danjiraha Soomaaliya ee Sacuudi Carabiya.

Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa xilkan qabtay bishii August 2021.

Warqadda danjire Saalim Macow Xaaji.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News