SO | EN

SO | EN

Darawal leylo-calaawi oo $1 Dollar dartiis loogu dilay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir

|

MOGADISHU (KAAB TV) –Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay Carab Cali, oo ahaa darawal gaari nooca Leyla Calaawi ka shaqeeyo.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Askariga uu Marxuumka $1 Dollar oo uu iska diiday darteed uu udilay askari joogay Barta Kantaroolka.

Darawalka oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Carabow Cali Yoolif oo ahaa dareewal kaxeeya Baabuurta kashaqaysa Muqdisho ilaa gobollada kale ee dalka.

Askariga Dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana socda baaris lagu raadinayo si gacanta loogu soo dhigo sida ay sheegeen ilo kala duwan, halka uu dilka ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Inta badan Gawaarida isaga kala gudubta Muqdisho & Gobollada kale ee Dalka waxa ay cabasho ka muujiyaan ciidamo ku labisan dareeska Ciidanka Dowladda Federaalka oo lacago ka qaada, xiliyada qaar waxa ay u gaysteen dhibaatooyin sida jirdil iyo toogasho nafta ay ku dhaafiyaan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News