SO | EN

SO | EN

DASTUURKA: Xasan Sheekh oo hortagaya BERI Labada Aqal ee Barlamaanka

|

Muqdisho (KAAB TV) – Ciwaanka ugu horeeya ee lagu sheegayaa sababaha madaxwaynaha Dowladda u tagayo Barlamaanka ayaa ah ka hadlida sidii loo furi lahaa Dastuurka KMG ah ee muran badan uu ka jiro.

Maalinta beri ah ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya waxaa uu tagi doonaa oo hadal u jeedin doonaa xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya xili muranka Dastuurka uu aad u xoogaystay.

Guddoonka Golaha ayaa farriin u diray Xildhibaannada labada Aqal in berri oo Arbaco ah oo taariikhdu tahay 21 Febraayo 2024 uu jiro kulan  wadajir aan caadi aheyn oo Madaxweynuhu kula hadlayo labada Aqal.

Waxaay ka dhigan tahay tani in ay tahay markii labaad oo Madaxweynuhu dalbanayo kulanka wadajirka Baarlamaanka oo khudbad uu uga hadlayo xaalada dalka uu jeedinayo.

Madaxwaynaha ayaa  diirada saari doona inta badan arrimaha Dastuurka oo aad loo diidan yahay in heshiiska muranka badan dhaliyay ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News