Muqdisho (Kaab TV) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo rabshadaha iyo qalalaasaha ka socda magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalku uusan xal u ahayn khilaafka siyaasadeed, waxaana uu maamulka Puntland, oo ay ugu horreeyaan Odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ku aaddan daminta colaada, lagana shaqeeyo xasiloonida deegaanka oo ay caan ku yihiin dadka reer Puntland.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku booriyay wax kasta oo keeni kara kala aragti duwanaansho siyaasadeed in lagu xaliyo miiska wadahadalka, iyadoo la dhowraayo nabada isla-markaana aan la barakicin shacabka, isagoona Alle uga baryay intii ku dhimatay inuu naxriistiisa janno ka waraabiyo inta ku dhaawacantayna Eebbe caafimaad deg deg ah siiyo.
Dhanka kale, Ku dhawaad shan ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 15 kalena way ku dhaawacmeen Dagaalo maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ku dhexmaray ciidamada Maamulka iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.