SO | EN

SO | EN

Dayaxa Madoobaad iyo Salaadda Khusuuf 🌑

|

BELEDWEYNE (KAAB TV) –Dayaxa madoobaad waa dhacdo Alle (SWT) noogu yeerayo inaan dib isu eegno, toobad keenno oo aan u soo noqonno jidka saxda ah. Nabigeenii Suubanaa Muxaammad (NNKH) wuxuu si cad noogu sheegay in marka dayaxu ama qorraxdu madoobaadaan aysan ahayn arrin iska caadi ah ama dhacdo dabiici ah oo kaliya, balse ay yihiin calaamado Alle ku tusayo addoomadiisa si ay u noqdaan kuwo ku noqda, ka baqaya cadaabkiisa, una toobad keena.

Nabigu (NNKH) wuxuu yiri:
“Qorraxda iyo Dayaxa labaduba waa calaamooyin ka mid ah calaamadaha Alle, mana madoobaadaan geerida qof iyo dhalashadiisa toona. Marka aad aragtaan, u carara salaadda.†(Xadiis saxiix ah oo ku jira Bukhaari iyo Muslim).

Marka ay dhacdo, waxa la faray muslimiinta inay tukadaan salaadda loo yaqaan Salaatul-Khusuuf, taas oo ah salaad gaar ah oo loogu talagalay marka dayaxu madoobaado.

Sida Salaadda Khusuuf loo tukado:

* Salaaddu waa laba rakcadood (2 rakcadood).
* Rakcad walba waxaa lagu sameeyaa 2 jeer rukuuc.

Rakcada 1aad:

1. Waxaa la akhriyaa Faatixada iyo suurad dheer sida Al-Baqarah.
2. Waxaa la sameeyaa rukuuc dheer.
3. Markaas waa la istaagaa, suurad kale ayaa la akhriyaa.
4. Waxaa la sameeyaa rukuuc kale oo ka gaaban kii hore.
5. Markaas ayaa la istaagaa kadibna sujuud caadi ah la sameeyaa.

Rakcada 2aad:
Waxay ku dhacdaa isla sida rakcada 1aad oo kale.

Kadib salaadda waxaa lagula dardaarmayaa muslimiinta in ay baryaan, Alle danbi dhaaf weydiistaan, sadaqo bixiyaan, iyo in ay noqdaan kuwo ku dadaala samafalka iyo toobad keenka.

Fariin ku wajahan bulshada:

Dayaxa madoobaad waa xasuusin uu Alle inoo soo diray. Waa waajib in aynu ka faa’iideysanno fursaddaas oo aan dib ugu noqonno Alle. Waa waqti lagu tukado, lagu toobad keeno, lagu duceysto, isla markaana lagu raadiyo naxariista iyo dambi dhaafka Eebbe.

اللَّهÙمَّ اغْÙÙØ±Ù’ لَنَا ذÙÙ†Ùوبَنَا ÙƒÙلَّهَا، دÙقَّهَا وَجÙلَّهَا، وَأَوَّلَهَا ÙˆÙŽØ¢Ø®ÙØ±ÙŽÙ‡ÙŽØ§ØŒ وَعَلانÙيَتَهَا ÙˆÙŽØ³ÙØ±Ù‘َهَا، اللَّهÙمَّ ارْحَمْنَا ÙÙŽØ¥Ùنَّكَ أَنْتَ الرَّحÙÙŠÙ…ÙØŒ ÙˆÙŽØªÙØ¨Ù’ عَلَيْنَا Ø¥Ùنَّكَ أَنْتَ التَّوَّاب٠الْغَÙÙورÙ.

Ilaahow dambiyadeenna dhan noo dhaaf, kuwa yar iyo kuwa weyn, kuwii hore iyo kuwii dambe, kuwa qarsoon iyo kuwa muuqda. Ilaahow noo naxariiso, adigaa naxariista badan, noo toobad aqbal adigaa Toobad-Aqbale iyo Dambi-Dhaafe weyn. 🤲

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News