SO | EN

SO | EN

DE DEG: Qarax jugtiisa laga maqlay Muqdisho oo gordhoweyd kadhacay isgoyska Fagax

|

Muqdisho (KAAB TV) – Faahfino dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax miino ah oo lagu aasay wadad dhineceeda oo kadhacay isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxan oo mid miinada dhulka lagu aaso sida ey inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal oo ka ag dhawaa goobta uu qaraxa kadhacay.

Dhanka kale, qaraxan ayaa lagu soo waramayaa in lala beegsaday taliye kuxigeenka saldhiga degmada Cabdicasiis iyo ilaaladiisa oo maraayay goobta uu qaraxa kadhacay.

Taliyaha iyo ilaaladiisa ayaa lasheegay in ey kudhaawacmeen qaraxa, sidoo kale ayaa waxaa kudhaawacmay dad shacab oo iyaguna wadadda maraayay xiliga uu qaraxa dhaacaayay.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidanka ammaanka waxeyna baaritaano ku aadan qaraxa kasameeyeen goobta uu qaraxa kadhacay.

Ilaa hada majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan, sidoo kale wali kama aysan hadlin laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News