Laacaanood (Kaab TV) -Wasaaradda Amniga ee Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah u shaacisay go’aan lagu mamnuucayo in hub lala dhex maro magaalooyinka waaweyn ee deegaanadaas.
Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Amniga ayaa lagu caddeeyay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 28-ka Juun 2026, aysan jiri karin cid aan ka tirsanayn ciidamada amniga oo hub ku dhex qaadan karta gudaha magaalooyinka.
Amarkan ayaa saameynaya dhammaan dadka rayidka ah iyo dadka kale ee aan heysan sharciyadda sugidda nabadgelyada.
Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankan loo qaatay si kor loogu qaado amniga iyo xasilloonida guud ee magaalooyinka.

