Aadan Yabaal (KAAB TV) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goordhow xubnaha Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi, kadib markii ay saaka ku qaadeen weerar culus.
Weerarka oo qaraxyo ku bilowday ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo qaatay in ka badan 5 saacadood oo xiriir ah, kaas oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa xaq-u-dirirka ee deegaanka.
Ilo wareedyo xilkas ayaa innoo xaqiijiyey in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay gudaha u galeen magaalada, kadib markii ay dib uga baxeen ciidamada huwanta.
Xaaladda ayaa weli kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac oo dagaal culus oo la’isku riiqmay uu ku dhex-maray halkaasi.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku sugan yihiin bannaanka magaalada, halkaas oo lasoo wariyay in ay ka wadaan is uruursi ciidan, iyaga oo ujeedkooda uu yahay in mar kale ku laabtaan fariisamahoodii degmada Aadan Yabaal.
Sidoo kale, ciidamo gurmad ah oo kasoo baxay dhanka Hiiraan iyo kuwa kale oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa lasoo warinayaa inuu kusii socdaan aagga lagu dagaalamay, si ay u xoojiyaan ciidamadii horay u joogay halkaasi.
Aadan Yabaal ayaa ah degmo qadiimi ah oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, waxaana ciidamada huwanta ay qabsadeen bishii December 2022, xilligaas oo uu socday guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waana wajigii koowaad ee howlgallada uu hoggaaminaayay Madaxweynaha Soomaaliya.
Qabsashada Aadan Yabaal ayaa kusoo aadeyso, iyada oo sidoo kale isla maanta ay Al-Shabaab la wareegeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, kadib dagaallo qaatay in ka badan laba todobaad oo ay la galeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo dib uga soo baxay halkaasi.
Inta badan Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.
Labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.