Beledxaawo (KAAB TV) – Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda la wareegay Degmadda Beledxaawo oo maalmahaan uu ka socday dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Jubbaland.
Sidoo kale, Xarunta degmadda Saldhigga Booliiska iyo xarumo kale oo Magaalada ku yaala ayey gabi ahaanba la wareegeen Ciidanka Dowladda Federaalka ee uu hor kacayo Taliyaha Nisa ee Gobolka Gedo Cabdirashiid Janan.
Dhanka kale, Dagaal maalmihii ugu danbeeyay ka socday degmadaas ayaa sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh iyo qaxa dad Shacab ah.
Guud ahaanba caawa degmada Beledxaawo waxaa si buuxda gacanta ugu haayao ciidanka dowladda Soomaaliya, ee uu hoggaaminaayo Cabdirashiid Janan, waxaana degmada Beledxaawo haatan ka socdo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda kaddib dagaal qaraar oo caawa halkaasi ka dhacay.
Siskatab, maalmihii lasoo dhaafay degmada Beledxaawo waxaa ka socday dagaal qaraar oo socday muddo lix maalin ah, wuxuuna udhexeeyay ciidamo ka kala ammar qaata maamulka Jubbaland iyo DF Soomaaliya, oo isku haya arrimo ay kamid yihiin hannaanka doorasho Qof iyo Cod ee larabo in guud ahaanba dalka laga hirgiliyo.

