DOOLOW (Kaab TV) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojisay diyaarihii rakaabka ee iman jiray magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Xayiraaddan ayaa qeyb ka ah xiisadaha siyaasadeed iyo khilaafka weli ka dhex oogan Jubbaland iyo Dowladda Federaalka.
Dhanka kale, waxaa degmada Garbaaharey ku sugan Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka, Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo halkaas ka wada ol’ole looga soo horjeedo maamulka Jubbaland.
Socdaalka Wasiir Fartaag ayaa yimid toddobaad ka dib markii ciidamada dowladda federaalka lagu soo jabiyay Raaskaambooni oo loo daabulay bil ka hor.