Doolow (KAAB TV) – Dagaal udhexeeyo ciidanka maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa hadda ka socda aaga degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Sidoo kale, dagaalkan udhexeeyo ciidanka Dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ayaa ka dhashay, kaddib markii ciidanka dowladda ee ku sugan dhanka degmada Doolow gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow, ay diideen in garoonka kasoo degto diyaarad waday wafdi ka imaaday magaalada Kismaayo.
Dhanka kale, dagaalkan ayaa hadda waxaa lagu soo waramayaa in magaalada laga saaray ciidankii dowladda federaalka, iyadoona haatan aya soo baxayaan in ciidamadii laga saaray magaalada ay ay ufirxadeen saldhig ciidanka Itoobiya ku leeyihiin halkaas.
Sikastaba, dagaalkan ayaa imaanaya xili dowladda federaalka maalmihii lasoo dhaafay ciidamo ku daabuleysan gobolka Gedo, halkaas ooo maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.