Jubbada Hoose (KAAB TV) – Faahfaahino kula duwan oo kasoo baxaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in goordhow uu halkaasi ka qarxay dagaal udhexeeyo ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaysay gobolka Raaskambooni.
Sidoo kale, dagaalka ayaa salka ku hayo khilaafka u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo mar kale shalay lagu doortay magaalada Kismaayo, laakiin waxaa dib u doorashadiisa diiday dowladda dhexe.
Dhanka kale, ilo dadka deegaanka ah ayaa Kaabtv u sheegay in labada ciidan ay isku dhaceen, isla markaana uu dhex-maray iska hor imaad, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.
War qoraal ah oo lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen ciidamada dowladda goob ay ku sugnaayeen ciidamada Daraawiishta ee maamulkaasi.
“Malayshiyaad dowladda fadaraalka Soomaaliya ay labadii maalin ee u dambeysay kusoo daabuleysay Deegaanka Raaskaambooni ee Dagmada Badhaadhe kuwaa oo ay ujeedo siyaasadeed ka lahayd ayaa weerar gardarro ah ku qaaday ciidamada Jubbaland ee fariisimaha ku lahaa deegaanka Raaskaambooni Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland oo gacanna kula dagaalamaya kooxaha Alshabaab ah ayaa iska caabiyay Maleeshiyaadka Muqdisho looga keenay khalkhal galinta amniga iyo xasiloonida ay ahaystaan shacabka Jubbaland”.
Dowladda Soomaaliya ayaa hadda go’doomin ku hayso maamulka Axmed Madoobe, waxaana maanta iyo shalay ciidamo badan lagu daabulay gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Gedo, si ay uga howlgalaan halkaasi.
Ugudambeyn, dowladda Soomaaliya ayaa go’aan ku gaartay in laga hortayo Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, kadib markii ay sharci darro ku tilmaamtay dib u doorashadiisa, waxaana xalay golaha wasiirada ay soo saareen go’aan lagu maxkamadeynayo Axmed Madoobe.