DEG-DEG: Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo kulan xasaasi ah la leh Baashe Yuusuf, khilaafka xil-ka-qaadistiisa oo sii xoogeysanaya

|

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa kulan xasaasi ah waxaa ay la leeyihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Dr. Baashe Yuusuf Axmed, kaas oo ay khilaaf ka taagan tahay xil-ka-qaadistiisa, iyadoo ay arrintan isku hayaan Madaxtooyada iyo Maxkamadda Sare.

Kulankan oo ka socda deegaanka uu ku sugan yahay Guddoomiye Baashe ayaa la sheegay in looga hadlayo xaaladda guud ee garsoorka dalka, khilaafka ka dhashay xil-ka-qaadistiisa iyo qaabka loo dhaqan-gelinayo go’aankii ay hore u soo saareen garsoorayaasha Maxkamadda Sare.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan muranka sharci iyo kan siyaasadeed ee ka dhashay tallaabadii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu xilka kaga qaaday Baashe Yuusuf Axmed, kuna magacaabay guddoomiye cusub.

Sida xogta laga helayo kulanka ay sheegayso, garsoorayaasha Maxkamadda Sare ayaa doonaya inay ka wada hadlaan xaaladda hay’adda garsoorka iyo sida loo wajahayo go’aankii maxkamaddu ka soo saartay khilaafka xilka Guddoomiye Baashe.

Arrinta ugu weyn ee hortaalla garsoorayaasha ayaa ah sidii loo ilaalin lahaa madax-bannaanida garsoorka, loona caddeyn lahaa cidda sharci ahaan hoggaaminaysa Maxkamadda Sare.

Khilaafkan ayaa abuuray xaalad aan caadi ahayn, maadaama hay’adda ugu sarreysa garsoorka dalka ay isku aragti ka duwanaadeen Madaxtooyada, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan awoodaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha iyo madax-bannaanida garsoorka.

Kulanka socda ayaa muhiim u ah jihada uu qaadan doono khilaafka, maadaama garsoorayaasha Maxkamadda Sare ay ka wada hadlayaan tallaabooyinka xiga ee la qaadi karo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in xubnaha shirka ka qeybgalaya ay warbaahinta la hadlaan marka uu kulanku soo dhammaado, si ay faahfaahin uga bixiyaan waxyaabaha laga wada hadlay iyo mowqifka ay ka qaateen xaaladda taagan.

DHEERAAD:  Tobaneeyo qof oo dhintay kuwaas oo la la’yahay ka dib markii ay doon tahriib ah ku degtay dalka Jabuuti.

Haddii garsoorayaashu ay soo saaraan go’aan ama bayaan cusub, waxaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho sida loo wajahayo muranka hoggaanka Maxkamadda Sare.

Khilaafka Baashe Yuusuf ayaa mar kale soo nooleeyay doodda ku saabsan madax-bannaanida hay’adaha garsoorka Soomaaliya iyo xuduudaha awoodaha hay’adaha dowladda.

Dastuurka dalka ayaa qeexaya awoodaha hay’adaha kala duwan, waxaana muhiim ah in khilaafaadka ka dhex dhasha hay’adaha dowladda lagu xalliyo hannaan sharci ah, si looga fogaado in muran ka dhasha xilalka uu saameeyo shaqada hay’adaha qaranka.

Dadka sida dhow ula socda xaaladda siyaasadeed ayaa isha ku haya kulanka socda, iyagoo sugaya hadallada kasoo bixi doona garsoorayaasha iyo Guddoomiye Baashe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News