Muqdisho (KAAB TV) – Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo kulan deg deg laisgu yeray ayaa ansixiyay heshiiska dhanka badda oo ay dowladda Soomaaliya lasaxiixatay dowladda Turkiga.
Shirka ayaa waxa shir guddoominaayay Wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka ahna R/Wasaaraha dalka Xamze Cabdi Barre, shirka ayaana waxaa goob joog wada ahaa dhamaan xubnaha golaah wasiiradda, iyagoona meel-mariyay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda Turkiga iyo dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, Xamze Cabdi Barre ayaa waxa uu golaha wasiiradda u sheegay in heshiiskan uu yahay mid masiiri ah dhaxal-galna unoqon kara ummada Soomaaliyeed, isagoona tilaamamay muhiimada uu leeyahay heshiiskan.
Heshiiska ayaa waxa lagu sheegay in Turkiga uu Soomaaliya kadifaaci doono badda Soomaaliya, isagoona Soomaaliya usoo diri doono ciidamo difaaca badda Soomaaliya.
Dhanka kale, heshiiskan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu sii jro doono ilaa muddo 10-sano ay ciidanka badda Turkiga ay kusii joogi doonan badda iyo xeebaha Soomaaliya.
Waxaa kaloo soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbadiisa inta ay socoto uu soo hadal qaadi doono safarkiisii Addis Ababa oo uu kala kulmay qal qal ammni oo ay kusameeyeen ciidanka ammaanka dowladda Itoobiya.