SO | EN

SO | EN

DEG DEG: Itoobiya oo maalmo uqabatay Cabdirashiid Janan in uu uga boxo Beledxaawo

|

Doolow (KAAB TV) – Wararka naga soo gaaraya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo, muddo saddex maalin ah u qabteen in Cabdirashiid Janan iyo ciidanka dowladda ee ka amar qaata uga baxaan degmada Beledxaawo ay dhawaan dagaal kula wareegeen.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Gedo ugu magacaaban dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in saraakiil Itoobiyaan ah degmada Beledxaawo kula shireen odayasaha dhaqanka, waxa uuna xusay in saraakiishaasi amar ku bixiyeen in ciidanka dowladda uu hoggaamiyo Janan deg deg uga baxaan Balad-xaawo.

“Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa timid Doolow, odayaasha ayey la kulmeen amar ayey bixiyeen ku aadan Xerada UK ee Beledxaawo iyo madaxda DFS ee halkaas joogta khaasatan Wasiir Cabdirashiid waqti ayey u qabteen 3 beri ah inuu kaga boxo Beledxaawo taasi oo wax u dhimaysa derisnimada” Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Dhanka kale, degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, waxaa maalmo kahor dagaal kula wareegay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaali,ya uu hoggaaminayay Cabdirashiid Janan oo dowladda Soomaaliya usoo magacayday taliyaha NISA iyo madaxa amniga gobolka Gedo.

Sikastaba, Itoobiya ayaa si weyn saameyn ugu leh siyaasadda gobolka Gedo lagu maamulo, waxa ayna dhawaan ciidamada Itoobiya ee jooga degmada Doolow iyaga oo garab siinaya ciidamada Jubbaland weerar ku qaadeen xero degmadaasi ka joogeen ciidamo katirsan Nabad sugidda Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News