SO | EN

Jamhuuriga Mareykanka oo ku guuleystay inay Ilhaan Cumar ka saaraan guddi muhiim ah

|

Muqdisho (Kaab TV) – Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta u codeeyey inay Ilhaan Cumar oo Dimoqraadi ah ka saaraan Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

Tallaabadan ayaa sii xumeyneysa xiisadda labada xisbi kadib markii Dimoqraadiga ay kalfadhiggii hore guddiyo ka saareen xubno Jamhuuri ah oo ka tirsan garabka-midig ee fog, kuwaas oo lagu eedeeyey hadallo rabshad hurin ah.

Afhayeenka Aqalka Hoose Kevin McCarthy ayaa ku guuleystay inuu mideeyo Jamhuuriga si guddiga looga saaro Ilhaan oo asal ahaan Soomaali ah kadib markii xubnaha qaarkood ay ka muujiyeen shaki.

In xildhibaano laga saaro guddiyada Aqalka ayaa aheyd wax aan horey u dhicin illaa Dimoqraadiga ay laba sano kahor u codeeyeen inay ka saaraan Marjorie Taylor Green oo laga soo doorto Georgia iyo Paul Gosar oo ka yimid Arizona, kuwaas oo ka mid ah xubnaha Jamhuuriga ee midigta-fog. 

Codeynta maanta oo aheyd 218-211 oo labada dhinac ay kala mareen safafkooda ayaa timid kadib dood dheer oo Dimoqraadiga ay ku eedeeyeen Jamhuuriga inay Ilhaan ku beegsanayaan isirkeeda darteed.

Ilhaan ayaa iska difaacday Aqalka, ayada oo weydiisay haddii ay jirto cid la yaabtay in la beegsaday, “sababtoo ah marka aad awoodda riixdo, awoodda dib ayuu kusoo riixdaa.” 

“Codkeyga wuxuu noqon doonaa mid intan kasii dheer kana sii xoog badan, islamarkaana hoggaankeyga waxaa u dabaal-degi doona dunida oo dhan,” ayey Ilhaan kusoo xirtay khudbaddeeda. 

Jamhuuriga ayaa diiradda saaray lix hadal oo Ilhaan ay horey u tiri “kuwaas oo xaaladaha caadiga ah u diidaya inay ka mid noqoto guddiga arrimaha dibedda,” waxaa sidaas yiri xildhibaan Michael Guest oo ah Jamhuuri laga soo doortay Mississippi. 

Hoggaamiyaha Dimoqraadiga Hakeem Jeffries oo laga soo doorto New York ayaa sheegay in Ilhaan ay mararka qaar “sameysay khaladaad” ayna adeegsatay hadallo Yahuud naceyb ah oo la cambaareeyey afar sano ka hor. Balse taasi ma ahan waxa codeynta maanta ay ku saabsaneyd, ayuu yiri. 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News