Kismaayo (KAAB TV) – Jubbaland ayaa soo bandhigtay taliyihii hoggaaminayay ciidamada ay dowladda gaysay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada oo soo bandhigtay, kaddibna baahisay sawirradiisa.
Sidoo kale, qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada dadaraawiishta oo howlgal sameeyay ay soo qabteen taliye Xasan Ciraaqi oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeay ciidamaday ay dowladda ku daabushay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
“Ciidamada amniga Jubbaland oo xaqiijinaya nabadgelyada guud ee deegaanka Raaskambooni ayaa gacanta kusoo dhigay horjooge Xasan Ciraaqi, kaasi oo subaxnimadii hore ee shalay ka baxsaday goobihii ay dagaalladu ka socdeen” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Xasan Ciraaqi oo ahaa hogaamiyaha ciidamadii laga keenay Xamar ayaa ciidankiisa ka cararay shalay subax abaare 11:30 barqanimo, markii uu dagaalku bilowday”
Dhanka kale, Jubbaland ayaa sheegtay in dowladdu haysay hoggaan xumo, taas oo dhibaato u horseeday ciidamada laga geeyay deegaannadeeda, sida ay hadalka u dhigtay.
“Arrintan ayaa muujinaysa hoggaamin xumo iyo dhibaatooyin baahsan ee haystay ciidamada lagu soo daabulay Raaskambooni” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sikastaba, Ciidamada Jubbaland ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haayo deegaanka Raaskambooni oo fadhi u ahayd ciidamada dowladda oo haatan qaarkood ay gudaha u galay dalka Kenya.