DOOLOW (KAAB TV) – Xaalada deegaanka Kulbiyoow ayaa haatan ah mid aad ukacsan kaddib markii maanta uu halkaas dagaal culus ku dhexmaray ciidanka ka amar qaata DF iyo kuwa Jubbaland.
Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan deegaanka Kulbiyow ee degmada Doolow laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.
Dhanka kale, war kasoo baxay DF ayaa lagu sheegay in Ciidanka Itoobiya ee ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii halkaas ka dhacay maanta, iyadoona lagu eedeeyay in ay ku xadgudubtay madaxbanaanida iyo jiritaanka Soomaaliya.