SO | EN

SO | EN

Labo sarkaal oo lagu tuhmay qaraxii shalay lagu laayey askarta oo la xiray

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Ilo wareedyo dhanka amniga ayaa KAAB TV u sheegay in la xiray labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo loo heysto inay ku lug lahaayeen qaraxii shalay ka dhacay xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 40 askari oo ka tirsan guutada 14 Oktoobar ee ciidanka Xoogga Dalka, waxaana ku dhaawacmay illaa 73 kale.

Askarta la beegsaday ayaa y badnaa hal beel, waxaana laga keenay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in labada sarkaal ee la xiray ay ka hawlgali jireen xerada tababarka ee Jaalle Siyaad. Waxaana lagu eedeynayaa inay u fududeeyeen ninka is qarxiyay inuu gudaha xerada soo galo.

Ilaha ayaa noo sheegay inuu hadda socdo baaritaan ayna suuragal tahay in saraakiil kale lasoo xiro.

Ma jirto faahfaahun kale oo illaa hadda laga bixiyay magacyada iyo derejooyinka labadan sarkaal.

Waxaa jira cabsi weyn iyo kala shaki gudaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xeryaha ciidamada, iyadoo durba ay jiraan xubno farta lagu fiiqayo oo la tuhunsan yahay inay halis amni keeni karaan.

Sarkaal magaciisa naga codsaday inaan la sheegin ayaa dhanikiisa sheegay in qaar ka mid ah xubnaha la tuhunsan yahay ayn ku jiraan saraakiisha hay’adda nabadsugida ee NISA oo la sheegay in xiriir toos ah ay kala dhexeyso kooxda Al-Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News