GAROWE (Kaab TV) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay in Puntland ay yeelan doonto lacag u gaar ah oo ka duwan shilinka Soomaaliga.
Isaga oo ka hadlayay munaasabad ay soo qabanqaabisay Baanka Dhexe ee Puntland oo ka dhacday Garoowe, Madaxweyne Deni ayaa yiri, “Puntland muddo dheer ayay sugeysay in la helo shilin Soomaali mideysan, balse taasi ma suuragelin. Sidaas darteed, Puntland waxay go’aansatay in ay samaysato lacag u gaar ah.”
“Waxaan rajeyneynaa in lacagta Puntland ay soo baxdo sanadka 2025, taas oo la jaanqaadi doonta shilinka Soomaaliga,” ayuu raaciyay.
Madaxweyne Deni wuxuu xusay in talaabadani aysan ahayn in Puntland ka go’do Soomaaliya, balse ay tahay mid ku saleysan nidaamka federaalka. Wuxuu intaa ku daray in Puntland ay sii wadi doonto go’aamada madax-bannaan ilaa Soomaaliya ay ka hesho nidaam dowladeed oo loo dhan yahay.
Dhanka kale, Deni ayaa ku sifeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud mid “waalan oo miyirkii ka tagay”.
Wuxuu sheegay in ay Puntland dib u soo laaban doonto marka uu miyirku u soo laabto Dowladda Federaalka iyo hoggaankeeda.