Gedo (Kaab TV) – Faahfaahino hordhac ah ayaa nagasoo gaaraya magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu magaaladaas ka dhacay qarax loo adeegsaday gawaari kaas oo lala beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya ee ATMIS ka tirsan.
Faahfahino intaasi dheer kama aysan soo bixin khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Uuro xoogan ay cirka isku shareertay, taas oo siween looga dareemayo degmada Doolow.
Xalay ayey aheyd markii uu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu xubno cusub u magacaabay gobolka Gedo oo horey muran badan uga taagnaa qilaafka udhaxeeyo maamulak gobolka Gedo iyo maamul goboleedka Jubbaland.
Wixii faahfaahin ah kala soco halkan si aad unoqoto qofka ugu horeeyo ee aqrista wararkeena.