Muqdisho (KAAB TV) – Qarax nooca miinada hareeraha laamiga ladhigo ayaa gordhoweyd kadhacay laamiga aada xarunta degmada Deyniile gaar ahaan meesha looyaqaano Guutaale.
Sidoo kale, Qaraxan ayaa lala eegtay gaari uu la socday taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee degmada Dayniile Cabdiraxmaan Cali Waqooyi, oo goobtaasi marayay xilliga uu qaraxa dhacayay.
Dhanka kale, sargaalkan qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay in uu ka bad baaday weerarkaasi, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay askari ilaalo u ahaa taliyaha iyo sidoo kale qof shacab ah oo marayay aaga uu qaraxu ka dhacay.
Ciidamada nabad sugida iyo booliiska oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano, lamana sheegin ilaa hadda cid loo soo xiray qaraxan goordhaw ka dhacay laamiga Dayniile.
Taliyaha nabad sugida u qaabilsan degmada Dayniile ayaa marar hore ka bad baaday qaraxyo sidaan oo kale loogu weeraray, waxaana masuuliyada weeraradaasi sheegatay kooxda Al Shabaab.