SO | EN

SO | EN

DEG DEG: Qarax weyn oo kadhacay Maqaayad kudhow xarunta Golaha Shacabka

|

Muqdisho (KAAB TV) – Qarax xooggan oo loo maleenayo in uu yahay ismiidaamin ayaa goordhaw lagu weeraray maqaayad kutaalla agagaarka xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, weerarka qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray, waxaana qaraxa la sheegay in lala eegtay maqaayad lagu magacaabo Baar Bulsho oo inta badan lagu shaaho ayna fariistaan ciidan iyo dad shacab ah.

Dhanka kale, Gaadiidka gurmadka deg dega iyo mootooyin dhaawacyo wada ayaa kasoo baxay aaga qaraxa ka dhacay, walina lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxan goordhaw dhacay.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaana ah goob si weyn ammaankeeda loo adkeeyo, waxa ayna ku dhawdahay xarunta Sayidka gaar ahaan xarunta golaha shacabka oo ay joogaan ciidamo si weyn ammaanka aagaasi usuga.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News