JOWHAR (KAAB TV) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada jowhar.
Sidoo kale, qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarax ayaa waxaa lagu weeraray xarunay maamulka degmada gamboole iyo ciidamada macwiileyda ku leeyihiin halka loo yaqaano xaafada hanti wadaaga ee maagaalada jowhar.
Dhanka kale, ilo dadka deegaanka ah ayaa waxa ay kaab TV u xaqiijiyeen in qaraxaan ay ku dhaawacmeen illaa 2 shaqsi iyo sidoo kale 5 dhimasho ah.