Muqdisho (Kaab TV) – R/Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah.
Wareegto kasoo baxday xafiiska R/Wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa waxaa Mudane Cabdikariin Cabdow Xaydar loogu magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.
R/Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu Mudane Axmed Jaamac Cumar u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.
R/Wasaaruhu markuu arkay:
Qodobka 97aad faqradiisa 3aad e Dastuurka KMG.
Qodobka 98aad faqradiisa 2aad Xar. A&B ee Dastuurka KMG.
Qodobka 100aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.
Howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda JFS.
Markuu tixgeliyay:
Talada Madaxweynaha JFS
Markuu garowsaday:
Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:
1. Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
2. Mudane Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad. Xamze Cabdi Bare ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.
Hoos ka daawo Sawirada wasiiradii lamagacaabay