SO | EN

SO | EN

Shil diyaaradeed oo kadhacay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya shil diyaaradeed oo goordhow kadhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii diyaaradda Salaam Air ay u bixi waayeen lugaha.

Sidoo kale, diyaarada shirkadda Salam Airline ayaa la sheegay in xilli ay garoonka kasoo dageysay ay u bixi waayeen lugaha, waxaana markii dambe diyaarada ku degtay garoonka halkaas oo khasaaro kusoo gaaray.

Dhanka kale, lama soo sheegin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay shilkan ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana si deg deg ah loogu gurmaday rakaabkii saarnaa diyaarada shilka gashay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News