SO | EN

Puntland oo amar soo qabasho u jartay ergeyga Villa Somalia iyo siyaasiyiin kale

|

Garowe (KAAB) – Xeer ilaalinta Puntland ayaa waaran soo xiris ah u jartay, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal.

Sidoo kale waxa ay xeer ilaalintu soo xiris u jartay, Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya, Khadar Faroole, Wasiir hore Maxamuud Shiddo iyo Maxamed Jaamac Faarax.

Xubnahan ayaa lagu eedeyay ku  lug lahaanshaha dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaaalada Garowe kaas oo salka ku hayay arimaha doorashooyinka

Deegaanada maamulka Puntland waxaa ka jira muran ka dhashay doorashada qof iyo cod  oo la filayo in ay ka bilaabato deegaanada maamulkaas.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa Amar ku bixiyay in la soo qabto Eedeysanayaasha si Maxkamad loo soo taago looguna qaado dambiga ay galeen ee laa xiriiraa khal khal gelinta Amniga Magaalada Garowe

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News