Weriye Abdalle Mumin ayaa goordhow lagu soo weeraray isagoo jooga hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Rag dhar cad oo NISA ka tirsan iyo boolis ayaa soo weerray waxayna isku dayeen inay xoog ku wataan balse ilaalada hoteelka ayaa horjoogsaday tallaabadan.
sida la og yahay raga soo weeraray wariye Abdalle muumin ayaa waxaa soo adeegsaday taliyaha qeebta guud ee gobolka Banaadir macalin mahdi.
Raga weerarka soo qaaday ayaa waxaa hogaaminaayay nin lagu soo gaabiyay magaciisa Faratol.