SO | EN

SO | EN

DEG DEG: Xabbad joojin 72 saacadood ah oo markale looga dhawaaqay Sudan

|

Nairobi (Kaab TV) – Ciidamada Sudan ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin saddex maalmood ah inta lagu guda jiro Ciidul Fidriga oo maanta bilaabatay, sida lagu sheegay bayaan ay baahiyeen ciidamada dalkaasi gelinkii dambe ee Jimcihii.

Hadalka militariga ayaa imaanaya saacado kadib markii xooggaga gaarka ah ee “RSF” ay sheegeen inay diyaar u yihiin xabbad joojin 72 saacadood ah laga bilaabo 6da subaxnimo (04:00 GMT) Jimcaha iyadoo ay socdaan dagaallo.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ugu yaraan 413 qof ay ku dhinteen in ka badan 3,500 oo kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu dagaalku dhex maray todobaadkii hore ciidamada iyo xooggaga gaarka ah ee “RSF”.

Ciidanka ayaa meesha ka saaray in wada xaajood lala galo xooggaga gaarka ah ee “RSF”, iyagoo sheegay in ay aqbali doonaan oo kaliya in ay isa soo dhiibaan.

Dagaallada u dhexeeya xooggaga gaarka ah ee “RSF” iyo ciidanka ayaa qarxay Sabtidii, taasoo meesha ka saartay qorshe caalami ah oo lagu doonayay in loogu wareego dimoqraadiyad rayid ah ka dib markii la riday Cumar Al-Bashiir intii lagu jiray mudaaharaadyo waaweyn oo dhacay sannadkii 2019.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News