CEEL GARAS (KAAB TV) – Sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Cabdulahi ibaraahin shaaciye iyo xildhiban Maxamad Yare ayaa ku geeriyooday qarax Ku haleeley Gaari ay saarnaayeen Gudaha Ceel-Garas oo saakay ciidanka Dowladda iyo kuwa deegaanku gudaha u galeen.
Sidoo kole waxaa jira dhawac soo gaaray askar ciidamada dwolada ayaa gudaha u galay saaka deegaanka ceel garis oo ka tirsan maamulka galmudug.
Cabdulahi Ibraahim Shaaciye waa kabtan ka tirsan ciidanka Dowladda, hadana ah xubin golaha deegaanka halka xildhibaan Maxamed Yare uu kamid yahay xildhibaannada maamulka Galmudug.
Dowladda Soomaaliya wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin weerarka lagu dilay xildhibaanka ka tirsan Barlamaanka Galmudug.
Deegaanada uu ku sugnaa xildhibaankan waxaa ka socda howlgalada Dowladda ay ku doonayso in ay kaga adkaato kooxda Al- Shabaab waxaana ku sugan jiidaha masuuliyiin kala duwan.