Garowe (Kaab TV)– Wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladda Puntland Cabdi Faarax Saciid Juxa oo waraysi siiyay Idaacadda Daljir ee Garoowe ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh dusha ka saaray masuuliyadda dagaal xalaynka dhacay duleedka bari ee cassimadda Puntland.
Dagaalkan ayaa ahaa mid dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo kuwa la sheegay in ay gadaal ka riixayaa musharaxiin taageero ka helaya dowladda Federaalka ah Soomaaliya.
Wasiir Juxa oo saakay wareysi bixiyay ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid laga soo abaabulay Muqdisho, islamarkaana uu qorsheeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud .
“Ergeyga Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha, Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa abaabuley weerarkii xalay lagu qaaday sanaaduuqda doorashada, qiyaamihii Xasan Sheekh sheegayey wuxuu ahaa mid isagu uu abaabulayo,” ayuu yiri Wasiir Juxa.
Dagaalkii xalay ee Garowe ayaa dhashay ,kadib markii weerarka gaadma ah lagu soo qaaday ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo galbinayay sanaadiiqda doorashada maamulkaasi. Kooxda weerarkan geysatay ayaa la sheegay in ay taageero ka helayaa Dowladda Muqdisho oo dhawaan shaacisay diidmadeeda darooshooyii ka ka socda deegaanadda Puntland.
Khasaaraha dagaalka
Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay duleedka bari ee magaalada Garowe.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland ee galbinayey sanadiiqda codeynta ay dib ugu laabteen magaalada Garowe dagaalka ka dib.
Xaaladda ayaana maanta deggan.